WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Amar siiyay Hay’addaha amniga, xili dad badan ay cabasho…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay mas’uuliyiinta Wasaaradaha dekadaha, gaadiidka iyo hay’adaha amniga.

Ra’iisul Wasaaraha  ayaa faray Hay’adaha Amniga in jidadka loo furo caqabadahana laga hor qaado gaadiidka xamuulka ee badeecooyinka geeya kana soo qaada dekadda Muqdisho, si loo fududeeyo ganacsiga, loona horumariyo dhaqaalaha dalka.

Waxaa uu kula dardaarmay mas’uuliyiinta Wasaaradaha dekadaha, gaadiidka iyo hay’adaha amniga inay si wanaagsan u gutaan waajibaadkooda Shaqo bulshadana u adeegaan.

Amarkan kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadd  Maxamed Xuseen Rooble ayaa yimid, kaidb markii waddooyinka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho qaarkood ay xireen Gaadiidka xamuulka qaada oo badeecado kala duwan kasoo qaaday dekadda.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Amar siiyay Hay’addaha amniga, xili dad badan ay cabasho…
To Top