WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Abiy iyo Madaxweyne Geelle oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa kasoo degtay diyaaraddo kala sidday Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Itoobiya Abiy Axmed.

Madaxweyne Geelle iyo Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, Wasiiro iyo Xildhibaano kamid ah labada Golle ee dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kamid ah Madaxda caalamka ee dalka u yimid ka qeyb galka xafladda caleemosaarka Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo maanta dhaceysa.

Wufuud ka kala socota dalalka Caalamka iyo kuwa kale ayaa kusoo qul-qulaya Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, kuwaasi oo ka qeyb galaya Munaasabadda Caleema-saarka Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta ka dhaceysa Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Abiy iyo Madaxweyne Geelle oo soo gaaray Magaalada Muqdisho
To Top