WARARKA SOOMAALI

Rag ka tirsan Al-Shabaab oo lagu qabtay howlgal laga fuliyey Muqdisho

Ciidanka Boolis Milataaro ee lagu wareejiyay amniga Muqdisho ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxa ay howlgal ka sameeyeen degmada howlwadaag ee Gobolka Banaadir, howlgalka ayaa waxaa qeyb ka ahaa ciidanka Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka.

Ciidamada ayaa howlgalka inta uu socday kusoo qabtay laba nin oo lagu tuhmayo inay yihiin xubno ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo looga shakiyay inay wadeen falal amni darro, sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Taliska ciidanka Booliska Gobolka Banaadir.

Sidoo kale ciidamada ayaa gacanta kusoo dhigay nin dhallinyaro ah oo bacweyn ku watay waxyaabaha maanka-dooriya sida khamri iyo calaq, isagoona lagu xiray xarun ay leeyihiin ciidamada.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca howlgalo gaar ah ay sameeyaan ciidamada cusub ee ammaanka magaalada lagu wareejiyay, waxaana bilihii u dambeeyay la sheegay in ammaanka caasimadda wax badan uu iska bedelay.

Rag ka tirsan Al-Shabaab oo lagu qabtay howlgal laga fuliyey Muqdisho
To Top