WARARKA SOOMAALI

Qarax xooggan oo lala beegsaday dhallinyaro Muqdisho ku qoraneysay Askarnimo

Qarax is-miidaamin ah oo uu fuliyey qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ayaa xalay fiidkii isku dhex-qarxiyey xerada tabbabarka Ciidanka xoogga dalka ee Jeneraal dhaga-badan oo ku taalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Is-miidaamiyaha ayaa beegsaday dhallinyarao farabadan oo safaf dheer ugu jiray inay qortaan Askarnimo oo y ku biiraan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana qaraxa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay Wakaalada SONNA ayaa u sheegaya in qaraxa uu fuliyey qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa, isla markaana uu doonayey inuu bartilmaameedsado dhalinyarada, bale kahor uu qarxay.

Taliye Odawaa ayaa xaqiijyey in qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho ay ku dhinteen 5 qof, halka 11 qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi dhaawacyadooda goobta looga qaaday gaadiidka gurmdka deg dega ah, lagula geeyay Isbitaalada magaalada.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxii ka dhacay erada tabbabarka Ciidanka xoogga dalka ee Jeneraal dhaga-badan oo ku taalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Qarax xooggan oo lala beegsaday dhallinyaro Muqdisho ku qoraneysay Askarnimo
To Top