Qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago meelaha fog-fog ayaa Maanta ka dhacay degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan meel ku dhow Bar koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidanka lagu wareejiyay amniga Muqdisho ee Boolis Milataaro.
Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay xaafadaha ka tirsan Kaxda ayaa waxaa ku dhaawacmay laba qof oo la tilmaamay inay shacab yihiin oo marayay goobta uu qaraxu dhacay, mana jiro wax khasaaro kale oo ka dhashay qaraxa ama gaaray ciidanka halkaas ka agdhawaa.
Dad goobjoogayaal ah ayaa ku warramay in bartilmaameedka qaraxan uu ahaa ciidanka Boolis milaatari oo bar kontorool oo gaadiidka lagu baaro ku leh halka qaraxa uu ka dhacay, kuwaasi oo qaraxa kadib riday rasaas dhowr ah.
Qarax habeeno kahor ka dhacay degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir ayaa lagu dilay askar katirsaneyd ciidamada booliska sida milateriga u tababaran ee lagu wareejiyay xasilinta ammaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Ciidamadan cusub ee ka howlgala magaalada Muqdisho ee lagu soo tababaray dalka Uganda ayaa wax badan ka bedelay ammaanka caasimadda, waxa ayna ciidamadan ka howlgalaan gudaha magaalada iyo daafaheeda, amniga ayaana muddooyinkii dambe ahaa mid wanaagsan.