WARARKA SOOMAALI

Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho & Agaasime TV oo ku dhintay

Qarax Is-miidaamin ah oo uu fuliyay isku soo xiray waxyaabaha qarax ayaa ka xalay ka dhacay maqaayada Blue SKY ee ku taalla inta u dhexeeysa Godka Jilacow iyo Xarunta Madaxtooyada, qaraxaasi ayaa geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

Taliska Booliska oo qoraal kasoo saaray qaraxa ayaa sheegay in qaraxa oo ahaa mid xooggan uu ka dhacay bannaanka maqaayada Blue SKY, ayna ku dhaawacmeen illaa afar qof oo kamid ahaa dadkii goobta joogay.

Sidoo kale qaraxa ayaa waxaa dadka ku dhintay kamid ahaa Agaasimihii guud ee Telefashinka Somali Cable Xaruntiisa magaalada Muqdisho, Cabdifitaax Nuur Macallin Qeys, isagoo kamid ahaa wariyeyaasha ka howlgala caasimadda.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxa oo uu fuliyay qof Natiis halige ah oo walxo qarxa isku soo xiray,

Maqaayada Blue SKY ayaa waxay u dhexeysaa laba Bar koontarool ee ciidanka madaxtooyada oo kala ah midka Godka Jilacow iyo Xaawa Taako waana meel aammaankeeda aad u adag yahay inkastoo dadka lugta ku socda aan la baarin.

Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho & Agaasime TV oo ku dhintay
To Top