WARARKA SOOMAALI

Qarax Gaari oo Maanta ka dhacay Muqdisho & Wararkii ugu danbeeyay

Qarax loo malaynayo in gaarigiisa loogu xiray sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa duhurnimadii ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Gaari nooca raaxada ah ayaa qarxay, waxana markii dambe laga soo saaray qof dhaawac ah oo gaariga watay, waxana loo qaaday isbitaalka, sida ay ku warrameen dad goobjoogayaal ah oo intaas kusii daray in sarkaalka dhaawacmay lala cararay.

Sawirro laga soo qaaday goobta gaariga ayaa muujinayay burbur gaaray qeyb kamid ah gaariga la qarxiyey ee uu waatay sarkaalka Booliska, weli hay’adda amniga dowladda wax faah faahin ka bixin qaraxaas ka dhacay Muqdisho.

Xiliga uu qaraxa dhacayey ayaa waxaa la sheegay inay xirneyd wadada Maka Al-Mukarama, kadib markii ciidamada dowladda Federaalka ay gaadiidka shacabka u diideen iney maraan sababo aan la ogeyn awgood.

Qaraxan ka dhacay agagaarka Isgoyska Soobe ee Muqdish ayaa waxa uu ku soo beegmay 48 saac ka dib markii, Weerar qaraxyo ku bilowday lagu qaaday Maqaayad ku taalla Xeebta liido halkaasoo ay ku dhinteen dad ku dhow 10 qof oo shacab u badan.

Qarax Gaari oo Maanta ka dhacay Muqdisho & Wararkii ugu danbeeyay
To Top