WARARKA SOOMAALI

Qaramada Midoobay oo taageero hor leh u ballan qaaday Dowladda Soomaaliya

Wasiirka caddaladda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku-xigeenka ergayga gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaalbilsan arrimaha Soomaaliya, sidoo kalana ah isku duwaha arrimaha bini aadanimada Adam Abdelmoula.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Caddaaladda oo kulanka qayb ka ahaa ayaa wafdiga ka socday Qaramada Midoobay uga warbixiyey howlaha Baaxada leh ee Wasaaradu u hayso Bulshada Soomaaliyeed

Kulanka ayaa intiisa badan looga hadlay  dardargalin iyo horumarinta hay’adaha Caddaaladda iyo Garsoorka u qaalbilsan dalka iyo sii la isaga kaashan lahaa taageerada lagu tayeynaayo dhamaan Hey’adahan.

Ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Adam Abdelmoula, ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin sidii ay u sii wadi lahaayeen taageerada ay ku bixiyaan horumarinta Hey’adaha Caddaaladda iyo Garsoorka.

Wasiirka Caddaladda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa uga mahadceliyey Madaxda QM ee Soomaaliya sida ay u garab taagan yihiin Hey’adaha caddaaladda, isaga oo ka codsaday inay sii laba jibaaraan taageeradooda.

Qaramada Midoobay oo taageero hor leh u ballan qaaday Dowladda Soomaaliya
To Top