WARARKA SOOMAALI

Qaar kamid ah Waddooyinka Magaalada Muqdisho oo hal arrin loo xiray

Waxaa Maanta oo sabti ah xiran inta badan waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana waddooyinka la dhigay ciidamo farabadan oo isugu jira kuwa Boolis Milataaro iyo ciidanka koofi casta ee Madaxtooyada.

Ciidamada ayaa waddooyinka ka xiray Maka Al-mukarama, Taleex, Banaadir, Isgoyska Siinaay, sidoo kale waxaa xiran wadada Warshadaha iyo qeybo kamid ah wadada Wadnaha ee magaalada Muqdisho, gaadiidka noocyadiisa kala duwan ayaa loo diidayaa inay maraan waddooyinkaas.

Ujeedka loo xiray waddooyinka ayaa ah Munaasabadda sannad guurada 63-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed ee dalka iyo midnimadii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ee 1-da Luuliyo.

Munaasabadda ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa inay ka bilaabato Garoonka kubada caggta ee  Stadium Muqdisho, waxaana haatan socda diyaar garoow ballaaran oo ku aadan qabsoomida Munaasabadda  1-da Luuliyo.

Madaxda ugu sareeysa dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ugu horreeyan Madaxwweyne Xasan Sheekh iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo dadweyne farabadan ayaa ka qeybgalaya Munaasabadda.

Qaar kamid ah Waddooyinka Magaalada Muqdisho oo hal arrin loo xiray
To Top