WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Puntland oo xukun adeg ku riday Dad ka Ganacsanayey waxyaabo ay mamnuucday

Guddoomiyaha gobolka Mudug iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qaybgalay xukun ay Maxkamadda darajada koowaad ee Mudug ay ku riday dad lahaa maandooriyaha khamrida oo la qabtay ayadoona goob fagare ah lagu burburiyey khamridaas.

Guddoomiyaha Maxkamada gobolka Mudug ayaa sheegay in Maxkamada la horkeenay Afar ruux oo labo ka mid ah ay yihiin dumar, islamarkaana ay go’aansadeen in Saddex ka mid ah lagu xukumo Lix sano oo xabsi ah oo uu ka reeban yahay cafis Madaxweyne.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur, ayaa digniin udiray cid kasta oo ku howlan ka ganacsiga maandooriyaha khamrida iyo xashiiska, oo fara ba,an ku haya deegaanada Puntland.

Guddoomiye Sanyare oo ka hadlayay fagaare lagu burburinayay 20 kartoon oo khamri ah, ayaa faray dhamaan laamaha Amniga Magaalada Gaalkacyo in ay amar buuxa uqabaan cidkasta oo lagu helo in sharciga la waafajiyo, cidii la dagaalantana ay toogtaan.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay shacabka inay ka qayb qaataan dagaalka lagula jiro maandooriyaha iyo dadka ka ganacsada, waxaana uu sheegay in dagaalkooda iyo howlgalada gobalka loo weeciyay dhanka la-dagaalanka maandooriyaha.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Puntland oo xukun adeg ku riday Dad ka Ganacsanayey waxyaabo ay mamnuucday
To Top