WARARKA SOOMAALI

Puntland oo Villa Somalia ku eedeysay Burburinta jiritaanka Maamulkooda

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Garoowe ayaa Villa Somalia ku eedeeyay in ay ka shaqaynayso burburinta jiritaanka Puntland.

Wasiir Caydiid ayaa sheegay in ay hadda gudaha Puntland khalkhal iyo amni-darro ka abuurayso Villa Somalia oo adeegsanaysa shakhdiyaad dano gaar ah leh iyo xildhibaannada heer Federaal ee laga soo doorto degaannada Puntland.

“Waxaan aad uga xumahay in dowladda Federaalka Soomaaliya ka shaqaynayso in Puntland burburto…. Arrintaas way socotaa gobollada Puntland oo dhan bay ka socotaa hadda oo dowladda Federaalka isku dayaysaa in ay fara-geliso oo khalkhal iyo amni-xumo abuurto” ayuu yiri wasiirka.

” Waxay dowladda Federaalku gacan-siinaysa dad khalkhal iyo xasilooni-darro ka buuraya gudaha si ay u burburiso nabadda iyo jiriraanka dowladnimada Puntland” ayuu yiri Maxamuud Caydiid Dirir intaa ku datray.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in xildhibaannada heer Federaal ee laga soo doorto Puntland ay magaalada Xamar la taagan yihiin “Puntland ha dhacdo” isaga oo ku eedeeyay in ay ka shaqaynayaan qalalaasaha gudaha.

Puntland oo Villa Somalia ku eedeysay Burburinta jiritaanka Maamulkooda
To Top