WARARKA SOOMAALI

Puntland oo soo saartay Digniin la xiriirta Imtixaanka shahaadiga ee Somaliland

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa dhammaan Dugsiyada Waxbarashada Gobolada Sanaag iyo Heylaan uga digtay inay Ardaydooda galaan Imtixaanka shahaadiga ah ee Maamulka Somaliland oo maalmaha soo socda bilaaban doona.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa lagu sheegay in aan la ogoleynin in deegaannada Puntland la keeno Imtixaan aan aheyn midka ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada Maamulka.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa Dugsiyada Waxbarashada Gobolada Sanaag iyo Heylaan ku wargelisay in Imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland fasalada 8-aad iyo 12-aad ee Dugsiyada dhexe iyo sare la gaarsiiyay dhammaan deegaannada Puntland.

Si kastaba, Amarkaan ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo dhawaan deegaannada Maamulka Somaliland uu ka bilaaban doono Imtixaanka shahaadiga ah oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada Maamulkaas.

Puntland oo soo saartay Digniin la xiriirta Imtixaanka shahaadiga ee Somaliland
To Top