WARARKA SOOMAALI

Puntland oo Maanta dil Toogasho ah ku fulisay 10-xubnood

Waxaa maanta oo sabti ah magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Muudug dhinaca Puntland lagu toogtay 10-xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo hore Maxkamadda ciidamada ee Maamulka Puntland dil toogasho ah ugu xukuntay.

Ragga dilka toogashada ah lagu fuliyay oo ahaa Shabakad isku xiran ayaa Al-Shabaab u qaabilsanaa dilalka qorsheysan iyo weerarada gaadmada ah, iyagoona lagu helay dembiyo kala duwan oo ay ka geysteen gudaha magaalada Gaalkacyo.

“Maanta waxaa lagu fuliyey xukun dil ah 10 ka tirsan argagixisada Al-Shabaab, kuwaas oo horey maxkamadda sare ee ciidamada ay ku xukuntay dil,waxaana ay qeyb ka ahaayeen Argagaxisadi dilalka madax jabinta ah ku laayey waxgaradka magaalada Galkacyo” ayaa lagu yiri Qoraal uu soo saaray Taliska Booliska Puntland.

Goobta lagu tooganayay kooxdan ayaa waxaa ku sugnaa saraakiil kamid ah maxkamadda ciidamada Maamulka, kuwa Booliska iyo xubno kale, waxaana warbaahinta loo soo bandhigay sawirada ragga oo tiirka toogashada ku xiran.

Dhinaca kale ciidanka ammaanka Maamulka ayaa baadigoobaysa, 3 xubnood oo ka tirsanaa raggaan oo dhawaan xabsiga magaalada Gaalkacyo ka baxsaday.

Puntland oo Maanta dil Toogasho ah ku fulisay 10-xubnood
To Top