WARARKA SOOMAALI

Puntland oo ku Amartay Itoobiyaanka jooga Garoowe inay ka baxaan Magaalada

Dowlad  Goboleedka Puntland ayaa soo saartay amar cusub oo ka dhan ah ajaaniibta Itoobiyaanka ah ee dhaqan gudaha magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, kuwaasi oo si sharci darro ah ku galay magaaladaasi.

Duqa magaalada Garoowe Geeddi Axmed Tuurre oo la hadlaayay warbaahinta ayaa sheegay in dadka u dhashay Itoobiya ee ku sugan magaalada looga baahan yahay inay isaga baxaa, maadaana ay sharci darro ku joogaan oo aysan heysin wax sharci ah.

Geeddi Tuurre ayaa ku amray in sida ugu dhaqsiyaha badan Garoowe uga baxaan dadka Itoobiyaanka, wuxuuna intaas kusii daray in haddii ay diidaan amarka uu Maamulka soo saaray ay ka qaadi doonaan tallaabo adag.

“Waxaan rabnaa dadka in aan u sheegno, Inta ay goori goor tahay, dadka aan sharciga ku haysan caasimadda ee jooga ee u dhashay Itoobiya in ay isaga baxaan magaaladaan, waxaan mar labaad iyo mar saddexaad cod-dheer ugu sheegayaa luuqadda iyaga fahmi doonee in ay magaaladan isaga baxaan, maadaama aysan ku haysan wax sharciyad ah, haddii kale waxaa laga qaadi doonaa tallaabo” ayuu yiri duqa caasimadda Garoowe.

Magaalada Garawe ee caasimadda Puntland waxaa buux dhaafiyay dad badan oo Itoobiyaan ah, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda qowmiyada Oromada, kuwaa oo si sharcidarro ah ku jooga deegaannada maamulkaasi.

Puntland oo ku Amartay Itoobiyaanka jooga Garoowe inay ka baxaan Magaalada
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

To Top