WARARKA SOOMAALI

Puntland oo gacanta kusoo dhigtay hubkii ugu badnaa & Agab Millatari

Laamaha Amniga Puntland oo xalay hawlgal ciidan ka sameeyay magaalada Boosaaso ayaa gacanta ku dhigay hubkii ugu badnaa iyo agab millatari oo ay ku tilmaameen mid sharci-darro ah.

Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Boosaaso ayaa xaqiijiyay in ay gacanta ku dhigeen hubkii ugu badnaa oo sifo sharci-darro ah lagu soo geliyay dalka kadib hawl uu ciidanku ka sameeyay guri ku yaalla xaafad ka tirsan Boosaaso.

Waxay sheegeen in ciidamada Amniga Boosaaso u daateen guriga islamarkaana ka soo saareen hub fara badan oo ka kooban yar yar iyo waaweyn oo halkaasi lagu qarinayay iyo sidoo kale rasaas iyo tuutaha ciidamada.

Waxay sheegeen in soo qabashada hubkaasi ay sahashay kadib markii gacanta lagu soo dhigay shakhsi ku eedaysan kala safrinta hubka sharci-darrada ah kaasi oo dhawaan lagu qabtay Boosaaso.

Puntland oo gacanta kusoo dhigtay hubkii ugu badnaa & Agab Millatari
To Top