WARARKA SOOMAALI

Puntland oo Digniin culus kasoo saartay xaaladda Magaalada Garoowe

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-gurdoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo looga hadlay Amniga Caasimadda iyo guud ahaan Puntland, Arrimaha deegaanka iyo  qodobo kale.

War-saxaafadeed kasoo baxay Shirka Golaha Wasiirada Puntland ayaa lagu sheegay inay ka xun yihiin oo ay cambaareynayaan dhacdadii ka dhacday Garoowe 20-kii June 2023, iyagoo ka tacsiyeeyay dhammaan dadkii ku geeriyooday dhacdadaasi.

Golahaa ayaa sidoo kale caafimaad degdeg ah u rajeeyay dadka dhaawacmay, sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa muujiyey muhiimada ay leedahay in la illaaliyo nabadda , kala danbeynta iyo Dowladnimada cidkasta oo lidi ku ahna meel looga soo wada jeesto.

“Sida la wada ogsoonyahay Puntland waxay bilihii u danbeeyay dadaal ku bixinaysay sidii wadahadalo nabadeed loogu dhameyn lahaa arrimaha taagan, welina diyaar ayeey u tahay” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Golaha Wasiirada Maamulka Puntland.

Gaba-gabadii dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka digtay wax kasta oo keeni kara khalkhal gelin Bulsho, sida dadka faafinaya dacayaadka iyo qixinta dadweynaha. Garoowe ayaa waxaa maalmo kahor ka dhacay dagaal sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Puntland oo Digniin culus kasoo saartay xaaladda Magaalada Garoowe
To Top