WARARKA SOOMAALI

Odayaasha dhaqanka ee ka tagay Muqdisho oo la kulmay guddoonka Golaha Guurtida

Magaalada Hargeysa ee caasimadda Maamulka Somaliland ayaa waxaa Maanta kulan ku yeeshay Odayaasha dhaqanka ee ka tagay magaalada Muqdisho iyo guddoonka Golaha Guurtida Somaliland.

Odayaasha dhaqanka ee koonfurta Soomaaliya ayaa Hargeysa u gaaray shalay dhexdhexaadinta Colaada magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, taasi oo u dhexeeysa dadka deegaanka ee SSC iyo Maamulka Somaliland ee Muuse Biixi Cabdi.

Odayaasha iyo guddoonka Golaha Guurtida Somaliland ayaa kulankooda diirada ku saaray sidii loo xalin lahaa Colaada Laascaanood oo sababtay khasaaro lixaad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyadeed oo gaaray gebi ahaan magaalada.

Inta ay ku sugan yihiin Magaalada hargeysa Odayaasha ayaa waxaa la filayaa inay kulan la qaataan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo markii hore diidanaa balse cadaadis uga yimid Mareykanka uu ku aqbalay.

Odayaasha dhaqanka ee ka tagay Muqdisho oo la kulmay guddoonka Golaha Guurtida
To Top