WARARKA SOOMAALI

NISA oo Muqdisho ku xirtay Wariye Jamaal oo wareystay hoggaamiye ka tirsan Al-shabaab

Ciidanka Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ka qabtay Wariye Jamaal Maxamed Cismaan oo u shaqeeya telefishinka Channel 4 ee dalka UK.

Wariye Jamaal ayaa la qabtay, xilli uu kasoo degay Garoonka Aadan Cadde, isla markaana uu doonayay inuu gudaha usoo galo magaalada Muqdisho, balse ay xireen Ciidanka NISA.

Wararka qaarkood ee la helayo ayaa sheegaya in Wariye Jamaal Cismaan marka hore lagu xanibay hotel ku dhex yaalla Garoonka, hayeeshee markii dambe oo xalay aheyd loo gudbiyay xabsi ay NISA maamusho.

Taliska NISA wax war ah kama soo saarin xariga weriyaha, hase ahaatee waxaa la aaminsan yahay in xarigiisa uu la xiriira booqashadii uu dhowaan ku tegay degaanada ay ka taliso Al-shabaab halkaasoo uu ka sameeyey barnaamij ka baxay Channel-4 TV ee dalka Ingiriiska.

Weriyaha ayaa barnaamijkaas ku wareystay Mahad Karate oo ka mid ah hogaamiyeyaasha sare ee kooxda Al-shabaab, kaasoo Mareykanka ay madaxiisa dul dhigeen Malaayiin dollar.

NISA oo Muqdisho ku xirtay Wariye Jamaal oo wareystay hoggaamiye ka tirsan Al-shabaab
To Top