WARARKA SOOMAALI

NISA oo ka digtay weeraro lala beegsan rabo Madaxweynaha & Ra’iisul Wasaaraha

Taliska hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa soo saartay Digniin ku saabsan khatar amni oo ku wajahan Xafiisyada Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo  Ra’iisul Wasaare Rooble.

War kasoo baxay Taliska NISA ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxda Qaranka ay siiyeen warbixin ku saabsan khatar ay maleegayaan Al-Shabaab oo ay rabaan inay ku beegsadaan Madaxwaynaha & Ra’iisul Wasaaraha.

Qoraal lagu daabacay barta Twitter-ka ee Hay’adda NISA ayaa lagu soo bandhigay Magaca Shaqsi ay sheegeen in uu wado qorshaha fulintaas, isla markaana ay ku raad joogaan.

“Waxan Madaxda Qaranka siinay warbixin ku saabsan khatar ay malegayaan Maafiyada AS oo ay rabaan inay ku beegsadaan Madaxwaynaha & R/Wasaaraha Qaranka. Maxamad Mahir oo ah dhagarqabe sare oo AS ka tirsan ayaa wada fulinta qorshaha. Dabagal ayaan ku haynaa cid kaste oo ku lug leh ayaa lagu yiri” Qoraalka NISA.

NISA oo ka digtay weeraro lala beegsan rabo Madaxweynaha & Ra’iisul Wasaaraha
To Top