WARARKA SOOMAALI

Nin fuliyey Qaraxyo badan ku dhinteen oo Maanta lagu toogtay Gaalkacyo

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta oo talaado ah waxaa ay xukun dil toogasho ah ku fulisay Nin horey dilal qorsheysan iyo qaraxyo uga geystay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee dhanka Maamulka Galmudug.

Ninka la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdullahi Cali Aadan, kaasi oo horey Maxkamadda ugu ridday xukun dil toogasho ah, kadib markii lagu helay uuna qirtay inuu ka dambeeyay Qaraxyo ka dhacay Gaalkacyo, isagoona kiiskiisa soo maray heerar kala duwan.

Ninkaas ayaa waxaa eedaha loo heystay ka mid ahaa dilkii Sheekh Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare kaas oo lagu dilay weerar toos ah oo 2018 lagu qaaday xarun uu ku lahaa Gaalkacyo, waxaana lagu toogtay goob fagaare oo ku taalla Gaalkacyo.

Maalmihii u dambeeyey maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku kordhisay fulinta dilalka toogashada ah, wuxuuna ninkan noqonayaa qofkii siddeedaad ee muddo ku siman 15 cisho gudahood toogasho lagu fuliyo.

Qorshaha dowladda dhexe ayaa ah in labada bil ee ka harsan sanadkan 2022-ka in lagu dhameeyo toogashada dadka xukuman, sida laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Nin fuliyey Qaraxyo badan ku dhinteen oo Maanta lagu toogtay Gaalkacyo
To Top