WARARKA SOOMAALI

Nin ay soo qabteen Booliska Interpol oo Maanta laga dejiyey Garoowe

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa magaalada Garoowe ka dejiyey eedeysane Maxamed Cumar Ciise oo maalin ka hor Ciidanka Booliiska Caalamiga ah ay kasoo qabteen dalka Kenya.

Hoggaanka xiriirka dibadda Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee Interpol ayaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ka qaaday eedeysane Maxamed Cumar Ciise, kaasi oo markii uu falka geystay baxsaday.

Eedeysanaha ayaa loo heystaan inuu inuu horay u dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Faarax 17-05-2024, kaasi oo horay waaran soo qabasha ah uu ugu jaray xafiiska Xeer ilaliyaha guud ee Qaranka.

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed qeybta arrimaha dibadda ee Interpol, ayaa eedeysanaha ku wareejiyay laamaha ammaanka gobolka Nugaal, si loo horgeeyo Maxkamadda awooda u leh.

Kahor inta aan lasoo qaban eedeysanaha ayaa 21-06-2024 tegay safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya, si uu u jarto dukuminti laabasho ah (Go Home), wuxuuna ku jartay magaca been abuurka ah ee Cabduqaadir Cumar Cali.

Nin ay soo qabteen Booliska Interpol oo Maanta laga dejiyey Garoowe
To Top