WARARKA SOOMAALI

MW Xasan Sheekh oo Qoorqoor iyo Saraakiil Ciidan kala hadlay Dagaalka AS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay gaaray magaalada Dhuusamareeb, halkaasi oo uu xalay ku hoyday, kadib safarkii shalay uu tagay deegaano ka tirsan Gobolada Hiiraan iyo Mudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulamo kula qaatay Xarunta Madaxtooyada Dhuusamareeb Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, ku-xigeenkiisa iyo Saraakiisha Ciidanka Xoogga iyo kuwa Maamulka Galmudug.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in kulamada looga hadlay sidii loo dardar-gelin lahaa howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda deegaannada Maamulka Galmudug, isagoona Madaxweynaha la sheegay inuu Saraakiisha la wadaagay in muhiim ay tahay dardar-gelinta howlgalada.

Madaxweyne Xasan oo shalay ka hadlaayay degaanka Baxdo oo ka tirsan Gobolka Mudug ayaa ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka ay diyaarisay qorshe adeegyada dowladnimada lagu gaarsiinayo dagmooyinka dadkoodu iska dulqaadeen Al-shabaab.

MW Xasan Sheekh oo Qoorqoor iyo Saraakiil Ciidan kala hadlay Dagaalka AS
To Top