WARARKA SOOMAALI

MW Xasan Sheekh oo kulan ka dhacay Muqdisho uga hadlay Arrimo dhowr ah

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay magaalada Muqdisho uga qeyb galay kulan la sheegay inuu ahaa mid su’aalo lagu weydiinayay oo ay ku sugnaayeen  shaqaale badan oo ka tirsan dowladda Federaalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in caqabadda ugu weyn ee dib dhigtay dalka ay tahay Al-Shabaab, caqabaddana ku noqotay nolasha, horumarka iyo wax-wadaqabsiga Soomaaliyeed, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Sannadkii 2012-kii markii aan xilka nimid waxaan xoreynay deegaanno badan oo Alshabaab gacantooda ku jiray, caqabado badan baa jiray, casharradii iyo khibraddii aan kaas ka barannay ayaa maanta saldhig u ah holwgallada aan wadno. Dadka Soomaaliyeed in ay dagaal ka qeyb-galaan ayaa udub-dhexaad u ah qorshaheenna maanta iyo guusha aan joogno.”

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka jawaabay su’aalo laga soo weydiiyey daafaha dunida oo ku saabsan sarreynta sharciga, wadashaqeynta hay’adaha dowladda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, dib u heshiisiinta iyo xiriirka caalamiga ah.

Baarlamaanka; “Taariikhda waa markii ugu horreysay oo Baarlamaanka Soomaaliyeed ay hal fadhi ku saxiixaan sharciyo gaaraya 11 sharci oo badankood aas-aas u ah deyn cafinta, maalgashiga iyo dowladnimada. Tani waxay caddeyn u tahay shaqada adag ee socota.”

Arrinta Laascaanood; “Waxaan mudnaanta koowaad siinaynaa in la joojiyo colaadda socota, la joojiyo dhiigga qulqulaya, kaddibna miis la wada fariisto oo la wada xaajoodo. Dadka Laascaanood waxaan u haynaa mudnaan gaar ah maadaama ay calankii buluugga ah ku adkeysanayaan, midnimadana u ololeynayaan. Wax aysan raali ka ahayn cidna kuma khasbi karto, waxaanse dooneynaa in rabitaankooda aysan dhiig badan u daadan.”

Puntland; “Madasha aan isugu imaanno dowlad-goboleedyada dalka dhammaantood waa ka soo qeyb-galeen, markii laga reebo kulankii ugu danbeeyey ee Baydhabo. Hadda saddex Madaxweyne oo dowlad-goboleed ayaan u xilsaarnay in ay soo dhegaystaan tabashadooda. Ma jiraan wax aan annagu ilaa haatan ognahay, ama nalala wadaagay oo ku saabsan waxa ay diidan yihiin.”

Maqaamkii gaarka ahaa ee Caasimadda “Wali laguma guuleysan, sababtuna waa qabyo-tirka dastuurka oo aan wali lagu guuleysan. Caqabadaha kale oo jira waxaa ugu weyn amniga, iyadoo aan xoogga saareyno sidii aan u joojin lahayn dhibaatada ay argagixisadu ay ku hayso Caasimadda, taas kaddib waxaan ka shaqeyn doonaa bilicda iyo maamul dhiska.”

Xiriirka caalamiga ah, “Dalalka is diiddan ee gobolka iyo guud ahaan caalamka mid kasta waxaan la nahay saaxiib, mana jirto mid ay colaad nagala dhexayso, waxaanna diyaar u nahay xitaa dalalka is-diiddan in aan ka qeyb-qaadanno isfahnkooda.”

Doorashooyinka; “Waxaa iga go’an in aynan ku laaban hoolkii Afisyoone, dowladda qorshe ayaa uga deggan doorashada qof iyo cod. Maanta ayaa bilaabaynaa geeddi socodka 2026-ka.”

MW Xasan Sheekh oo kulan ka dhacay Muqdisho uga hadlay Arrimo dhowr ah
To Top