WARARKA SOOMAALI

MW Xasan Sheekh iyo RW Xamse oo ku kala wajahan Garoowe & Baladweyne

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa Maanta oo khamiis ah waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland.

Ujeedka safarka Madaxweyne Xasan ee Garoowe ayaa waxaa uu yahay sidii uu kulan ula qaadan lahaa Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka wadashaqeyn ee Puntland kala dhexeeysa dowladda Federaalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale xalin doona tabashooyin dowlad Goboleedka Puntland ka qabto dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoona Xasan Sheekh iyo Saciid Deni ka wada arrin doona Arrimo kale oo gaar ah.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Maanta lagu wadaa inuu safarkii ugu horreeyay ee tan iyo markii la magacaabay ku aado Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Xamse Cabdi Barre ayaa ujeedka socdaakiisa waxaa lagu sheegay inuu yahay mid la xiriira u kuur gelida xaaladda ka jirta Gobolka Hiiraan ee dhinaca abaaraha iyo sidii loo dardar-gelin lahaa howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee Gobolkaasi ka socda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Baladweyne waxaa uu kulan la qaadan doonaa Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo ku sugan Magaaladaas, iyagoo ka wada hadli doona arrimo kala duwan.

MW Xasan Sheekh iyo RW Xamse oo ku kala wajahan Garoowe & Baladweyne
To Top