WARARKA SOOMAALI

MW Saciid Deni oo magacaabay Guddiga Diyaarinta Wada xaajoodka A/Federaaleynta

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 002 ee 14-ka January 2023, kuna saabsan magacaabid Guddiga Diyaarinta Wada xaajoodka Arrimaha Federaaleynta Dalka.

Madaxweyne Saciid Deni oo wareegto kasoo saaray xafiiskiisa ayuu ku magacaabay Guddiga Diyaarinta Wada xaajoodka Arrimaha Federaaleynta Dalka, kuwaasi oo ka kooban 13-xubnood iyo Guddi kale oo khudbaro ah oo iyaguna ka kooban 9-xubnood.

Guddigan ayaa la filayaa in ay wada xaajood kala gelaan xubno katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya arrimaha la xariira federaaleynta ee dalka.

Magacaabista guddiga uu magacaabay Madaxweyne Deni ayaa imaaneysa xilli uu dhawaan shaaciyay in Puntland tahay dowlad madax bannaan inta xal laga gaarayo arrimaha Federaaleynta.

Hoos ka Akhriso wareegtada magacaabista

Markuu arkay: Dastuurka Puntland

Markuu arkay:  Baahida loo qabo in la xoojiyo diyaar garowga wada xaajoodka arrimaha Federaalaynta Dalka.

Markuu arkay: Go’aankii Puntland ee ka soo baxay 9-kii Jan 2023 Madaxtooyada Puntland.

Markuu tixgaliyey: Aqoontooda iyo Waayo-aragnimooda.

Waxuu Xeeriyey:

Magacaabida Guddiga diyaarinta wada xaajoodka Arrimaha Federaaleynta Dalka.

Guddiga Goleyaasha:

1-Md. Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan Guddoomiye

2-Md. Cabdi Faarax Siciid (Juxa) G. Xigeen

3-Md. Saadiq Abshir Garaad Xubin

4-Md. Axmed Jaamac Cabdulle Xubin

5-Md. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad Xubin

6-Md. Carshe Maxamed Siciid Xubin

7-Md. Cabdullaahi Maxamed Xasan Xubin

8-Md. Ilyaas Cismaan Lugatoor Xubin

9-Md. Maxamed Cabdiwaab Axmed Xubin

10-Md. Cabdifitaax Maxamed Cabdinuur Xubin

11-Md. Xasan Yuusuf Nuur Xubin

12-Md. Maxamuud Cawad Cumar Xubin

13-Md. Maxamed Cabdirisaaq Aw Cilmi Xubin

Guddiga Khubarada:

1-Md. Axmed Cali Xaashi Guddoomiye

2-Md. Ismaciil Xaaji Warsame G.Xigeen

3-Marwo Saynab Ugaas Yaasiin Xubin

4-Md. Maxamed Maxamuud Ciis (Awoowe) Xubin

5-Md. Axmed Abshir Faarax Xubin

6-Md. Xasan Maxamuud Ciise (Binge) Xubin

7-Md. Cabdullaahi Siciid Ismaciil (Keyton) Xubin

8-Md. Maxamed Siciid Maxamed (Jabiye) Xubin

9-Md. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Xasan (C/nuug) Xubin

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

MW Saciid Deni oo magacaabay Guddiga Diyaarinta Wada xaajoodka A/Federaaleynta
To Top