Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabid Guddiga Arrimaha Bini’aadantinimada ee dadka kusoo barakacay dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.
Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Saciid Deni ayuu ku magacaabay Guddiga Arrimaha Bini’aadantinimada ee dadka soo barakacay, waxaana Guddiga oo Wasiiro u badan ay ka kooban yihiin 13-xubnood, iyadoona Guddoomiye looga dhigay Wasiir Juxa.
Guddigaan ayaa magacaabistooda waxaa ay ku timid, Baahida loo qabo in loo diyaar garoobo dadka dhibaatadu kasoo gaartay magaalada Laascaanood, oo ay duullaan kusoo qaadeen ciidanka maamulka Somaliland, balse dagaal adag lala galay.
Dagaal galay maalintii afaraad oo xiriir ah ayaa ka socda magaalada Laascaanood, khasaaro xooggan oo dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay dagaalka, ciidanka Somaliland ayaa xasuuq ba’an ka geystay halkaas, iyagoona madaafiic adeegsanaya.
Hoos ka Akhriso magacyada xubnaha Guddiga uu magacaabay Deni.
1-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Cabdi Faarax Siciid Juxa, Guddoomiye.
2- Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf Guddoomiye Ku-xigeen.
3- Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Dr Jaamac Faarax Xassan Xubin.
4- Wasiirka Wasaaradda duulista Hawada iyo Garoomada Ilyaas Cismaan Lugatoor Xubin.
5- Wasiirka Wasaaradda warfaafinta Maxamuud Caydiid Dirir Xubin.
6- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo masiibooyinka Layla Cabdi Cartan Xubin.
7- Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta Shaakir Maxamed Guuleed Xubin.
8-Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Cabdifatax Maxamed Cabdinuur Xubin.
9- Maxamed Caydiid Jaamac Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Xubin.
10- Dr Siciid Warsame Shahaado xubin.
11- Shiikh Fu’ad Maxamuud Xaaji Nuur Xubin.
12- Shiikh Axmed Yuusuf Daad Xubin.
13- Cabdikaafi Axmed Siciid Ganacsade Xubin.