WARARKA SOOMAALI

Muxuu yahay ujeedka socdaalka Madaxweyne Xasan oo markii 3-aad ku tegay Masar?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb-galaya shirka caalamiga ah ee Cimilada Adduunka ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar.

Madaxweynaha iyo khuburada cimilada  Soomaaliyeed ee ku wehelisa Shirka COP-27 ayaa la wadaagaya Madaxda Caalamka, saameynta xooggan ee isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay nolasha dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxda la wadaagaya qorsheyaasha Dowladdu ay kula taacaleyso abaaraha, nabaad-guurka iyo fataahadaha oo ka mid ah saameynta isbeddelka cimilada.

Waa markii saddexaad oo bilo gudahood Madaxweyne Xasan Sheekh u safray magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar, wuxuuna kulamo la qaatay dhiggiisa dalkaas Cabdifitaax Al-siisii.

Muxuu yahay ujeedka socdaalka Madaxweyne Xasan oo markii 3-aad ku tegay Masar?
To Top