Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo wafdi uu hoggaaminayo kana ambabaxay Magaalada Jowhar ayaa Maanta gaaray degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraa.
Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha degmada Buulo-burde kusoo dhaweeyay Maamulka degmada buulo-Burde, Saraakiisha ciidamada iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.
Ujeedada wafdiga Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle ee degmada Buulo-Burde ayaa waxaa lagu sheeay sidii uu u xoojin lahaayeen dagaalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda waqooyi-bari Gobolka Hiiraan.
Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabelle Cabdi daahir guure Karoore Xildhibaan Xildhibaan Cabduqaadir Maxamuud Ow-bakar Dhagaweyne iyo masuuliyiin kale ayaa Madaxweyne Yuusuf Axmed Hagar ku wehliya socdaalka uu ku gaaray degmAda Buulo-burde.
Dagaalo culus oo dhaliyey khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka socda degaano hoostega degmooyinka Maxaas iyo Matabaan, halkaasi oo ay ku sugan yihiin dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.
