WARARKA SOOMAALI

Muxuu yahay kulanka looga hadlay Amniga Somalia ee ka dhacay Uganda?

Dalalka Ciidamadu ka joogaan dalka Soomaaliya ayaa kulan ay kaga arrinsanayeen dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo sidii looga xoreynayo gayiga Soomaaliyeed ku yeeshay dalka Uganda.

Shirkan ayaa horudhac u ah shir madaxeed maalmaha soo socda ka dhici doona dalka Yugaandha ayaa lagu wado inay ka qeyb galaan Madaxweynayaasha dowladaha ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee ka tirsan howlgalka ATMIS, kuwaas oo kala ah Jabuti,Yugaandha, Burundi, Kenya, Ethiopia iyo Dowladda Soomaaliya.

Shirka ayaa looga dooday sidii ay ciidamada ATMIS uga qeyb qaadan lahaayeen dagaallada lagula jiro Al-Shabaab oo lagu wado in dhowaan laga sifeeyo dalka, kulanka ayaa sidoo kale warbixin looga dhagaystay xubno ka socda waddamada.

Madaxda shirka ka qeyb gashay ayaa waxay sheegeen in howlgallada ka socda Soomaaliya oo ay iska kaahsnayaan Ciidamada xoogga dalka iyo dadka shacabka ah laga gaaray horumar ballaaran oo mira dhal ah.

Wafdiga ka socda Soomaaliya ee shirka ka qeyb galay ayaa sheegay in guulo ballaaran laga gaaray dagaalka ka dhanka ah khawaarijta iyo fulinta qorshaha xasilinta dalka oo meel wanaagsan marayo si amniga dalka loogu wareejiyo Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dabayaaqada 2014-ka.

Muxuu yahay kulanka looga hadlay Amniga Somalia ee ka dhacay Uganda?
To Top