WARARKA SOOMAALI

Muxuu Guddoomiyaha Golaha Shacabka kala hadlay Safiirka Sacuudiga uu kulan la qaatay?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay danjiraha dalka Sacuudi Arabiya Amb. Ahmed Bin Mohamed Almowallad.

Guddoomiyaha ayaa safiirka kala hadlay arrimaha horumarinta Baarlamaanka JFS iyo sidii loo tayeyn lahaa shaqaalaha, sidoo kale safiirka waxaa uu soo gaarsiiyay guddoomiyaha dhambaal salaan ah oo uga siday guddoomiyaha Golaha fadhiga shuyuuqda dalka Sucuudiga,

Isagoo sheegay in Guddoonka Golaha shacabka dadaal dheer ku bixiyeen  dhismaha Hay’adda ugu sarreysa ee dalka, kaas oo lagu soo doortay Madaxweynaha JFS.

Guddoomiyaha ayaa dhankiisa safiirka ku bogaadiyay dedaalka joogtada ah ee Boqortooyada Sucuudiga la garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Muxuu Guddoomiyaha Golaha Shacabka kala hadlay Safiirka Sacuudiga uu kulan la qaatay?
To Top