WARARKA SOOMAALI

Muwaadiniin Mareykan ah oo lagu dilay Dagaalka ka socda gudaha Israel

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka,  Anthony John Blinken ayaa sheegay inay hayaan warar muujinaya in dhowr Muwaadiniin Maraykan ah lagu dilay gudaha Israel.

Blinken ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu maanta siiyey Telefishinka CNN, wuxuuna xusay inay Maamulayaasha shaqeynayaan Xilli dheeraad ah (working overtime), si loo xaqiijiyo Wararka la xiriira dadka Maraykanka ee lagu la’ yahay gudaha Israel.

Dhanka kale, Labo Haween oo u dhashay dalka Ukraine ayaa la xaqiijiyey in lagu dilay Iska-horimaadkii shalay dhex maray Askarta Israel iyo Dagaalamayaasha Xarakada Islaamiga ee XAMAAS, kaasi oo maalintii Labaad weli ka socda gudaha Israel.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ukraine, Oleg Nikolenko oo la hadlay Wakaallada Wararka ee AFP ayaa sheegay in labada Haween ay muddo dheer deganaayeen Israel.

Safaaradda Ukraine ku leedahay Israel ayaa sheegtay inay socdaan Qabanqaabada sidii maydadka Haweenkaasi dib loogu celin lahaa dalkooda Hooyo.

Warar kale ayaa sheegayo in Muwaadin 3-aad oo Ukrainian ah lagu dilay Weerarkii shalay dhex maray Xarakada XAMAAS iyo Askarta Israel.

Ninkaasi waxaa uu ahaa Qandaraasle dhanka Amniga oo la shaqeynayey Askarta Israel ee fariisinka ku lahaa Deegaanada u dhow xuduudka magaalladda Qasa.

Muwaadiniin Mareykan ah oo lagu dilay Dagaalka ka socda gudaha Israel
To Top