WARARKA SOOMAALI

Muuse Biixi oo marin-habaabin ka sameeyay Dagaalka Laascaanood

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Bixii Cabdi ayaa xalay ka hadlay Colaada uu mudo ku dhow 6 bil uu ka wado magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ee uu duullaanka kusoo qaaday shacabka deegaannada SSC.

Muuse Bixii ayaa sheegay in dhibaatada ka taagan Laascaanood dhibada laga soo abaabulay oo aysan magaaladaas kula dagaalameyn ciidanka SSC, hayeeshee ay ku dagaalamayaan ciidanka Maamulka Puntland, waa sida uu hadalka u dhigay.

Isaga sii hadlaayay Madaxweynaha Somaliland oo marka uu ka hadlaayo xaalada Laascaanood hadalladiisa lagu jahwareero ayuu tilmaamay in ciidankiisa aysan weerarin Xarunta Gobolka Sool, inkastoo si cad loo ogyahay xasuuqa ay Somaliland ka geysatay halkaas.

Muuse Bixii ayaa intaas hadalkiisa kusii daray in Somaliland ay diyaar u tahay wada-hadal, isla-markaana ay ku baaqeyso nabad iyo xabad joojin.

Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland ayaa ka hadlay dagaaladii ugu danbeeyay ee maalmihii lasoo dhaafay dhexmaray ciidankiisa iyo kuwa SSC, wuxuuna sheegay in dagaalkaasi dhacay ciidankiisa Somaliland khasaaro lagu gaarsiiyay oo laga dilay Askar ku sugney furimaha dagaalka.

Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa bihii lasoo dhaafay ka dhacaayay dagaalo dhaliyey khasaaro aad u tiro badan, waxaana Somaliland ay weli madaafiic aan kala sooc laheyn ku garaaceysaa Xaafadaha Laascaanood.

Muuse Biixi oo marin-habaabin ka sameeyay Dagaalka Laascaanood
To Top