WARARKA SOOMAALI

Muddo- kordhin loo sameeyey Howlgallada Midowga Yurub ee Soomaaliya

Golaha Midowga Yurub ayaa waxa uu maanta ansixiyey muddo kordhin loo sameeyey saddexda Howlgal ee ay ka wadaan dalka Soomaaliya iyo Geeska Afrika.

Qoraalka kasoo baxay Golaha ayaa waxaa lagu xusay in muddo-kordhin 2 sano loo sameeyey Howlgalada ay Midowga Yurub ee EU ka wadaan Somalia, kuwaasi oo kala ah:-

1- Howlgalka EUCAP Somalia ee u xil saaran Awood-dhiska rayidka (The EU’s civilian capacity-building mission),

2- Howlgalka EUTM Somalia ee Tababarka Milliteriga (The EU’s military training mission),

3- Howlgalka Ciiddanka Badda Midowga Yurub ee ATLANTA (The EU Naval Force Operation ATALANTA).

Dhinaca kale, Qoraalka Golaha ayaa waxaa lagu xusay in la go’aamiyey inay Hiwlgalladaasi sii socon doonaan ilaa laga gaarayo bisha December 31-da ee sanadka 2024-ka.

Muddo- kordhin loo sameeyey Howlgallada Midowga Yurub ee Soomaaliya
To Top