WARARKA SOOMAALI

Muddo kordhin cusub oo loo sameeyay howlgalka UNSOM ee Soomaaliya

Golaha Ammmaanka ee Qaramada Midoobay ayaa muddo kordhin cusub u sameeyay howlgalka kaalmeynta Qaramada Midoobay ee arrimaha dalka Soomaaliya ee UNSOM.

Golaha ammaanka ayaa isku raacay in muddo hal sanno oo dheeraad ah loogu kordhiyo muddo xileedka howlgalka kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaana la gaarsiiyey oo kordhinta  ay ku egtahay 31-ka October ee sanadka soo socda 2023-ka.

Qaraarka lagu meel-mariyey muddo kudhinta oo tirsigiisu yahay 2657 ayaa waxaa u  codeeyey illaa 14 dal, halka 1 waddan oo kaliya uu ka aamusay, iyagoona Golaha shaaciyeen inay si dhow la socon doonaan xaaladda Soomaaliya.

Howlgalka kaalmeynta Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya ee UNSOM ayaa sanad kasta loo sameeyaa muddo kordhin horleh, ayada oo ujeedadu ay tahay in lasii wado howlahala Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya QM Abuukar Cusmaan Baalle oo mahadcelin kaddib sheegay in Qaramada Midoobay looga baahan yahay inay dib u cusboonaysiiso ballan qaadkeeda ku wajahan shacabka Soomaaliyeed, ayna xoojiso isku xirka hay’adaha kala duwan.

Muddo kordhin cusub oo loo sameeyay howlgalka UNSOM ee Soomaaliya
To Top