WARARKA SOOMAALI

Mucaaradka Puntand oo Digniin soo saaray kadib shaacinta Jadwalka Doorashada

Guddiga doorashada Puntland ee PEC ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka doorashada madaxtinimada Puntland ee sannadka 2024. War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga PEC ayaa lagu caddeeyay in doorashada madaxtooyada iyo Baarlamanka Puntland loo asteeyay in ay qabsoonto 25 bisha Feb, 2024.

Guddiga doorashada Puntland ayaa sheegay in dib loo furay diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha, islamarkaana la bilaabi doono bisha December ee sannadkan 2023.

Jadwalka uu soo saaray guddiga PEC ayaa muujinaya in kordhin lagu sameeyay mudda xileedka dowladda oo ku eg 8 Jan ee sannadka 2024.

Dhinaca kale mucaaradka Puntland ayaa sheegay in nasiib darro ay tahay in iyadoon heshiis lagu hayn ay guddiga doorashada Puntland ee PEC ay soo saaraan jadwal doorashoo oo ka durugsan waqtigii loogu tala galay in la qabto doorashada oo ah sideedda bisha Jannaayo.

Mucaaradka ayaa ku hanjabay in ay qaadayaan maalmaha soo socda tillaabooyin lagu hubinayo qabsoomidda doorashada sibey yiraahdeen aanu u dhicin firaaq dastuuri ah, iyagoona Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ku eedeyeen inuu sameynayo muddo kororsi shacriga baalmarsan isla markaana burbur u horseedayo Puntland.

Mucaaradka Puntand oo Digniin soo saaray kadib shaacinta Jadwalka Doorashada
To Top