WARARKA SOOMAALI

Midowga Yurub oo Cunaqabatayn saartay Saraakiil ka tirsan Belarus

Qoraal ka soo baxay Midowga Europe ayaa lagu shaaciyey inay Cunaqabatayn ku soo rogeen 22 Saraakiil Sarsare oo ka tirsan Milliteriga Belarus, kuwaasi oo la sheegay inay door ku lahaayeen Duullaankii ay Milliteriga Ruushka ku qabsadeen dalka Ukraine.

Saraakiisha Cunaqabataynta lagu soo rogay waxay kala yihiin: 6 Janaraal iyo 16 Gaashaanle Sare ama Colonel.

Bayaanka maanta ka soo baxay Midowga Yurub ayaa waxaa lagu xusay in Saraakiisha Reer Belarus lagu daray Liiska Madoow ee Midowga Yurub  (The EU blacklist).

Cunaqabatayntaasi ayaa isugu jirta Xayiraad dhanka Socdaalka ee dalalka xubnaha ka ah Ururka EU-da iyo in la xayiro Hantida

Midowga Yurub oo Cunaqabatayn saartay Saraakiil ka tirsan Belarus
To Top