Golaha Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Guddiga doorashada heer Federaal iyo Guddiga xallinta khilaafaadka in ay si deg deg ah hoggaan u doortaan.
Midowga Musharaxiinta ayaa ku boorrinayay Guddiyada in ay ka fogaadaan ku milanka siyaasadda, kana shaqeeyaan sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho hufan oo daahfuran, sida lagu sheegay War kasoo baxay Midowga.
Goluhu ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda uu leeyahay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee loo ballansan yahay 27 Disember. Goluhu wuxuu rajaynayaa in ay shirka kasoo baxdo natiijo togan oo lagu toosinayo geeddi-socodka doorashada, laguna dardar gelinayo meelmarinteeda.
Goluhu wuxuu aaminsan yahay in xalka uu ku jiro qabsoomidda doorasho hufan oo daahfuran, taasoo keenaysain natiijadeedana la agbalo.
Xubno ka tirsan Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa shalay xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Guddigaas Maxamed Xasan Cirro, hayeeshee Guddoomiye Cirro oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in aan xilka laga qaadin oo uu Guddoomiye yahay.