WARARKA SOOMAALI

Midowga Afrika oo War kasoo saaray Baaqa kasoo yeeray Jabhada TPLF

Midowga Afrika ayaa si weyn usoo dhaweeyay Baaqa kasoo yeeray Jabhada TPLF ee dagaalka kula jirta ciidamada Federaalka Itoobiya, kuwaa oo horey u diidanaa in wadahadal iyo gorgortan la galaan dowladda uu hoggaamiyo Abiy Axmed.

Jabhada TPLF ayaa sheegtay in ay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan wadahadallo nabadeed oo lagu soo afjarayo colaadda ka taagan waqooyiga Itoobiya, si meesha looga saaro colaada gobolkaasi ka jirta ee galaafatay nolosha kumanaan dad ah.

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, ayaa si weyn usoo dhaweeyay baaqa kasoo yeeray TPLF , waxa uuna sheegay in baaqa TPLF uu yahay fursad naadir ah oo lagu joojinayo dagaalka ka socda Itoobiya.

Moussa Faki Mahamat, ayaa ugu baaqay jabhada TPLF iyo dowladda federaalka Itoobiya in ay ka shaqeeyaan sidii colaada loo soo afjari lahaa looguna bedeli lahaa in wadahadal wax walbo lagu dhameeyo.

Midowga Afrika oo War kasoo saaray Baaqa kasoo yeeray Jabhada TPLF
To Top