WARARKA SOOMAALI

Meydad hor leh oo laga soo saaray Hotelka Xayaat & Rasaas la maqlayo

Dagaal qaatay in ka badan 20 saacadood oo xiriir ah ayaa waxaa uu weli ka socdaa gudaha Hotelka Xayaat oo xalay ay weerar ku bilowday qaraxyo Is-miidaamin loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ku qaaday hotelkaas.

Ciidanka ammaanka dowladda Federaalka iyo ragga weerarka soo qaaday ayaa ku dhex-dagaalamaya gudaha  hotelka Xayaat, isla markaana waxaa la maqlayaa dhawaqa rasaas xoogan iyo jugta qaraxyo miinooyiin ah oo labada dhinac ay qarxinayaan.

Goor dhoweyd ayaa waxaa hotelka laga soo saaray Meydadka dad gaaraya 10 ruux, waxaana meydadka dadkaas ay u badan yihiin odayaal dhaqan oo dhawaan ka yimid Itoobiya, iyagoona  arrimo la xiriira xal u yimid Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Gaadiidka Gurmadka Deg-deg ah ayaana meydka dadka laga soo saaray dhismaha hotelka Xayaat, isla markaana waxaa loo qaaday Isbitaalada Muqdisho, si dadka baadi goobaya dadkooda maqan ay u gaaraan isbitaalka oo mashquul xoogan ka jira.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka iyo qaraxyadii dhacay, waxaana ku dhintay dad ku dhow 15 qof, halka dhowr qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo lagula tacaalayo xaaladdooda Caafimaad Isbitaalo.

 

Meydad hor leh oo laga soo saaray Hotelka Xayaat & Rasaas la maqlayo
To Top