WARARKA SOOMAALI

Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir iyo kiiska Sayid Cali Macalin Daa’uud

Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa markii saddexaad u fariisaneysa dhageysiga kiiska eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan inuu dilay kadibna gubay xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Luul Cabdicasiis.

Maxkamadda ayaa fadhigan waxa ay ku dhageysaneysaa difaaca qareenada eedeysanaha oo fadhigii ugu dambeeyey maxkamaddu ku iclaamisay, isla markaana fadhiga kusoo bandhigi doonoa waxyaabo kala duwan oo ku saabsan difaacooda.

Maxkamadda ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay dhageysanaysay kiiska eedeysanaha, waxaana la horkeenay maxkamadda marqaatiyaal iyadoo sidoo kale su’aalo weydiisay eedeysanaha.

Sayid-Cali ayaa hore u dalbaday maxkamadda Racfaanka, kadib markii uu ku qanci waayey xukunkii dilka ahaa ee Maxkamadda gobolka Banaadir ay horrey ugu riday.

Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir iyo kiiska Sayid Cali Macalin Daa’uud
To Top