WARARKA SOOMAALI

Maxkamadda Puntland oo Maanta dil toogasho ah ku fulisay Rag farabadan

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta oo Arbaco ah waxaa ay xukun dil toogasho ah ku fulisay rag ka tirsanaa Al-Shabaab  iyo Daacish, kuwaasi oo ay horey Maxkamadda ciidamada xukun ugu ridday.

Maxkamadda ayaa dilka toogashada ahaa ku fulisay rag gaaraya ilaa 19 nin oo dilal qorsheysan iyo qaraxyo ka geystay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, waxaana raggaas la dilay 5 kamid ah ay ahaayeen Amniyaadka Al-shabaab.

Sidoo kale ragga la toogtay ayaa waxa ku jiray lix Askar ka tirsaneyd ciidanka Puntland, kuwaasi oo iyaguna si bareer ah u dilay Askar, saraakiil ciidan iyo dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Toogashada ayaa ka dhacday magaalooyinka waa weyn ee dowlad Goboleedka Puntland, oo ay ka mid yihiin Gaalkacyo, Garoowe iyo Bossaaso, iyadoona goobta ay ku sugnaayeen saraakiisha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Puntland.

Maxkamadda Puntland oo Maanta dil toogasho ah ku fulisay Rag farabadan
To Top