WARARKA SOOMAALI

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay Askar tacadi u geysatay Askari hore

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa Maanta oo Axad ah waxa ay xukuno ku riday saddex Askari oo ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo kaalin kala duwan ku lahaa Muuqaal internet lagu baahiyay.

Eedeysanaha koowaad oo lagu magacaabo Axmed Maxamuud (Carab) ayaa la arkay isago oo jirdil ka baxsan Bini’aadanimada u gaysanayo askari hore oo baahiyaha gaarka ah qabay oo adeeg u doontay Taraafikada.

Maxkamadda ciidamada ayaa Axmed Maxamuud ku xukuntay saddex sano oo xabsi Ciidan ah iyo Feer Celin.

Axmed Xasan Cadaawe oo ahaa madaxa Camerada CCTV, ahaana ninkii la wadagaagay Cabdullaahi Abuukar Cariif ayaa lagu xukumay min laba sano oo Xabsi Ciidan ah iyo Feer Celin.

Xeer ilaalinta Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sheegtay inay awoodi kareen in ay la wadaagaan muuqaalka hay’adaha ku shaqada leh CID iyo xeer Ilaalinta Ciidamada, balse badalkeed waxa ay doorteen ceebaynta Qaybta ilaalada Nabad Galyada Waddooyinka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ciidamada qalabka sida gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka Maanta lagu riday saddexda Askari ee kaalinta kala duwan ku lahaa jirdil ka baxsan Bini’aadanimada oo loo geystay askari hore oo baahiyaha gaarka ah qabay oo adeeg u doontay Taraafikada.

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay Askar tacadi u geysatay Askari hore
To Top