WARARKA SOOMAALI

Maxkamadda Ciidamada oo xukun Dil ah ku riday Askari dilay Odey 65-sanno jir ahaa

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, ayaa maanta xukun ku riday Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Illaalada deegaanka, kaas oo dil u geystay marxuum Abuubakar Maxamed Nuurani.

Marxuumka la dilay ayaa ganacsi yar kulahaa degmada Xamar-weyne ee Gobolka Banaadir, waxaana loo dilay Shan kun oo Shillin Soomaali ah oo uu weydiisatay askariga dilkiisa ka dambeeyay.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Askarigii ka dambeyay dilka marxuum Abuubakar Maxamed Nuurani, kaas oo ahaa 65 sano jir ahaa.

Dilka marxuumka ayaa ka dhacay degmada Xamar-weyne, gaar ahaan waaxda Gobonimo, iyadoo dilka kadib saacado ay Booliska Sooomaaliya sheegeen in la qabtay eedeysanaha lana horgeyn doono cadaalada.

Maxkamadda Ciidamada oo xukun Dil ah ku riday Askari dilay Odey 65-sanno jir ahaa
To Top