WARARKA SOOMAALI

Maxay ka wada hadleen Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo kulan yeeshay?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Madaxweynihii hore xaalada dalka iyo dadaallada dowladdu ay ku bixinayso xoreynta dalka iyo halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee Alshabaab lagu cirib tirayo.

Dhankiisa, Madaxweynihii Hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda kulankan wadatashiga iyo soo-dhaweynta ah ee uu ugu fidiyey Madaxtooyada, waxa uuna u rajeeyey dowladnimada iyo shacabka Soomaaliyeed horumar iyo midnimo.

Kulanka Maanta dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Shariif ayaa hordhac u ah kulamo siyaasadeed oo maalmaha soo socda uu bilaabayo madaxweynaha Soomaaliya.

Xogta la helayo sheegeysa in madaxweynuhu uu casuumay xubno ka mid ah saamileyda siyaasadda, gaar ahaan xubnihii ka ay Midowga Musharaxiinta isku baheysteen, markii uu talada joogay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Maxay ka wada hadleen Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo kulan yeeshay?
To Top