Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Qatar, ahna wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga Khalid bin Mohammad Al Attiyah.
Labada masuul ayaa waxay ka wadahadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Qatar, gaar ahaan labada wasaaradood gaashaandhigga.
“Waxaan uga mahadcelinayaa martiqaadka & soodhaweynta Maamuuska sare leh ee naloo sameeyay,” ayuu yiri Wasiir Jaamac.
