WARARKA SOOMAALI

Maxay ka wada hadleen RW Xamse iyo Safiirka Midowga Yurub ee Somalia?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Karin Johansson.

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, sida lagu sheegay Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Midowga Yurub uga mahadceliyey taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyaan Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay xoojinta taageerada ku aaddan dhinacyada amniga, xasillinta, horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha.

Danjire  Johansson ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu sii wadi doono taageeradooda Soomaaliya, iyada oo intaa raacisay in xilligan Midowga Yurub kaalin muhiim ah ka qaadan doono barnaamijka xasillinta deegaannada laga xoreeyey Al-Shabaab.

Maxay ka wada hadleen RW Xamse iyo Safiirka Midowga Yurub ee Somalia?
To Top