WARARKA SOOMAALI

Maxay ka wada hadleen RW Xamse iyo Hoggaamiyaha Maamulka SSC?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda   Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Hoggaamiyaha  KMG ah ee SSC Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye).

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dhageystay Hoggaamiye Firdhiye  warbixin ku saabsan xaaladda bulsho iyo nololeed ee ka jirta deegaanada SSC.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed iyo in wixii khilaafa ee  jira lagu xalliyo  wada-hadal.

Hoggaamiyaha maamulka SSC ayaa magaalada Muqdisho ku yimid casuumad uu u fidiyay Ra’isul Wasaare Xamse Barre , waxaana hoggaamiyaha Muqdisho loogu soo dhaweeyay aad u heersareysa.

 

Maxay ka wada hadleen RW Xamse iyo Hoggaamiyaha Maamulka SSC?
To Top