WARARKA SOOMAALI

Maxaa looga hadlayaa kulanka Maanta ee Xildhibaanada Aqalka Sare?

Senatarada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo sabti ah waxaa ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelan doonaan Xarunta ay ku shaqeeyaan Senatarada ee ku taalla magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Ajendaha kulanka xubnaha Senatarada Aqalka Sare ayaa waxaa uu yahay laba qodob oo kala ah  1-Ansixinta Xubinta guddiga Dastuurka ee OC. 2-Ka doodista iyo wax ka baddalka Xeer-hoosaadka Aqalka.

Xildhibaanada Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inay marka hore u codeeyaan xubinta guddiga dastuurka ee OC, kadibna ay ka doodaan wax ka baddelka Xeer Hoosaadka Golahaasi.

Goorsii horreeysay oo xalay aheyd ayaa waxaa lagu wargeliyay Xildhibaanada Aqalka Sare inuu maanta jiro kulanka Golaha, isla markaana looga baahan yahay inay kasoo qeyb galaan kulankaas oo saacadaha soo socda furmaya.

Kulamada Aqalka Sare ayaa haatan si caadi ah ku socdo, waxayna kulamadii u dambeeyey qaarkood la galeen Xildhibaanada Golaha Shacabka, sida ka doodista miisaaniyadda dowladda Federaalka ee sanadka soo socda ee 2023.

Maxaa looga hadlayaa kulanka Maanta ee Xildhibaanada Aqalka Sare?
To Top