WARARKA SOOMAALI

Maxaa looga hadlay kulan lagu qabtay Degmo ay ka dhaceysa Doorashada Golaha…

Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Cabdiraxiin ayaa kulan looga hadlayay amaanka Baraawe la qaatay saraakiisha AMISOM ee ku sugan degmadaasi Baraawe.

Kulanka ayaa diirada lagu saarayay sidii ciidamada AMISOM ay ugu diyaar garoobi lahaayeen howlgallo lagula dagaalamayo Al-Shabaab iyo amaanka doorashooyinka la filayo inay ka dhacayaaan magaalada Baraawe.

Maamulka Shabeellaha Hoose oo AMISOM kala hadlay Amniga Baraawe kadib dagaalkii ka dhacay shalay.

Maxamed Cabdiraxiin Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa maalmihii dambe kulamo gaar gaar ah la yeelanayay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo saraakiisha ammaanka.

Kulankaan dhex-maray Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo Saraakiisha Ciidanka AMISOM ayaa kusoo aadaya xilli shalay degmada Baraawe ay ku dagaalameen Ciidamada Ammaanka iyo maleeshiyaad kasoo horjeeda habka loo dhisayo Golaha degaanka degmada Baraawe.

Maxaa looga hadlay kulan lagu qabtay Degmo ay ka dhaceysa Doorashada Golaha…
To Top