WARARKA SOOMAALI

Maxaa looga hadlay kulan dhexmaray RW Rooble iyo Safiirka Mareykanka?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta khamiista ah kulan la yeeshay safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre.

Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Safiirka ayaa waxaa looga wada hadlay Arrimaha doorashooyinka dalka, iyadoo ay heer gebo-gebo ah mareyso doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.

Rooble iyo Danjire Andre ayaa ka wada hadlay habsami u socodka doorashada, iyagoo isla soo qaaday sida ay lagama maarmaan u tahay in doorashada xildhibaannada Golaha Shacabku ku soo idlaato xilligii ay horay ugu heshiiyeen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ee 15-ka Maarso.

Ra’iisul Wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble oo soo dhaweeyay xowliga ay ku socoto doorashada, iyadoo ilaa hadda la doortay 80% xildhibaannada Golaha Shacabka, ayaa dhanka kale sheegay in aan la aqbali karin dib u dhac kale oo doorashada ku yimaada.

Wuxuu Rooble ka Codsaday Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada sida : Jubbaland, Puntland, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug in ay doorashada soo gebogebeeyaan ugu dambeyn 15-ka Maarso sidii horay loogu heshiiyay.

Maxaa looga hadlay kulan dhexmaray RW Rooble iyo Safiirka Mareykanka?
To Top